“Ozil uma qalmo inuu xirto funaanada kooxda Arsenal”

(London) 04 Maajo 2018 Halyeeyga kooxda Arsenal ee Martin Keown ayaa weeraray kubadd abuuraha reer Jarmal ee Mesut Ozil kadib guul daradii xalay ka soo gaartay Atletico Madrid.

Arsenal ayaa xalay macsalaamaysay koobka Europa League kadib markii ay 1-0 uga adkaatay kooxda Atletico Madrid oo lugtii hore la soo gashay barbaro 1-1 ah.

Image result for martin keown Ozil

Mesut Ozil ayaa wajahaya eedeyn xoogan kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita kulankii xalay kaas oo Atletico ay daafac adag kala hortagtay Gunners.

“Ozil uma qalmo inuu xirto oo uu ku ciyaaro funaanada Arsenal kadib qaab ciyaareedkii uu soo muujiyay kulankii Atletico Madrid” ayuu yiri Martin Keown.

“Ma ahan inuu u ciyaaro kooxda maadaama dadaalkiisu uu liito, ma qabsanayo shaqadiisa, sida saxda ah ee laga doonayana tababarka uma qaato”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close