Mourinho Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababta Uusan Alexis Sanchez Qeyb Kaga Noqon Kulanka Brighton

(Man United) 04 May 2018. Jose Mourinho ayaa ka ka hadlay sabab uusan ugu soo darsan xidiga xulka qaranka Chile Alexis Sanchez kulanka Brighton & Hove Albion ee daah furka u ah kulamada 37-aad ee horyaalka Premier League.

Alexis Sanchez ayaa ciyaaray kulankii lasoo dhaafay ay Arsenal guusha ka gaareen 90-ka daqiiqo, laakiin xidiga ayaan qeyb ka noqonin kulanka Brighton & Hove Albion, wuxuuna Jose Mourinho kulankan kusoo wada bilaawday xidigaha Anthony Martial iyo Marcus Rashford.

Laakiin Mourinho ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in Alexis Sanchez uu la xanuunsanay dhaawac, wuxuuna hadalkiisan ku sheegay kahor inta uusan bilaawan kulanka Brighton & Hove Albion.

“Waxaan dooneynaa inaan guul gaarno, waxaana u maleynaa inay tahay kooxda ugu fiican, dabcan Alexis iyo Lukaku waxay qabaan dhaawacyo, sidaasi darteed ma aysan kusoo bixin doorashadan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close