Mourinho Oo Ka Careesiiyay Cristiano Ronaldo, Kadib Markii Uu Arintan Sameeyay

(Man United) 04 May 2018. Jose Mourinho ayaa iska indha tiray Cristiano Ronaldo inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican uu soo tababaray tan iyo bilowgii xirfadiisa ciyaareed.

The Special One ayaa u doortay dhaliyihii hore xulka qaranka Brazil Ronaldo inuu yahay xidigii ugu fiicnaa uu tababare u soo noqday, kadib markii ay waqti kusoo qaateen xili ciyaareedkii 1996-1997 kooxda Barcelona.

Halyayga xulka qaranka Brazil ayaa kusoo qaatay mid ka mid ah xili ciyaareedkiisii ugu fiicnaa xirfadiisa kubada cagta kooxda Barcelona, kadib markii uu hal xili ciyaareed oo kaliya uu ku qaatay garoonka Cump Nou. Wuxuuna xiligaas Jose qeyb ka ahaa waaxda tababarka ee kooxda Barca.

“Ronaldo waa kan ugu fiican ee aan abid soo tababaray waligeey ma arag qof sida isaga oo kale ah, wuxuuna sameeyay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa markii uu joogay Barcelona, aniga ahaan ma aanan arkin ciyaaryahan sidiisa oo kale ah”

Mourinho ayaa la fahansan yahay inuusan xiriir fiican la laheyn Cristiano Ronaldo, maadaama uu soo kala dhex galay khilaaf marka uu Jose macalinka ka ahaa Real Madrid,

Jose ayaa wuxuu soo leeliyay xidigo waaweyn oo heer caalami a, gaar ahaan Cristiano Ronaldo, laakiin waxa uu doorbidayaa xiddiga reer Brazil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close