Mauricio Pochettino Oo Kala Hadlay Xidigiisa Harry Kane Loolanka Adag Uu Kula Jiro Mohamed Salah

(Tottenham) 04 May 2018. Macalinka kooxda Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino ayaa ugu baaqay weeraryahanka kooxdiisa Spurs Harry Kane, inuu diirada saaro gool dhalinta kooxdiisa in ka badan loolanka uu ugu jiro gool dhalinta Premier League.

Harry Kane ayaa wuxuu xili ciyaareedkan loolan adag kula jiraa dhigiisa kooxda Liverpool Mohamed Salah, wuxuuna ilaa iyo haatan soo dhaliyay 27 gool, halka uu Salah heysto 31 gool.

Wargeysi “Mirror” ayaa wuxuu so xidgtay wareysi uu ku yiri Mauricio Pochettino: “Kane wuxuu u baahan yahay in uu diirada saaro kooxda, si aan ugu dhameysano horyaalka Premier League boska afarta sare, isla markaana ay qeyb ka noqono Champions League xili ciyaareedka soo aadan.

“Haddii uu goolal dhaliyo, wuxuu heli lahaa lambarka Mohamed Salah, taas oo noqon laheyd mid fiican, laakiin ka caawinta kooxda inay guuleysto waa waxa ugu muhimsan”

“Haatan waxaan u baahanahay inaan diirada saarno naadiga, Kane si fiican ayuu u ogyahay inuu u baahan yahay inuu sii wado inuu si wacan u shaqeeyo goolalna uu dhaliyo, si wacan ayuu u ogyahay in muhiimada koowaad ay kooxda tahay”.

Tottenham Hotspur waxay u baahan tahay 4 dhibcood, seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka Premier League, si ay u xaqiijiso inay qeyb ka noqoto Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close