Madaxweynaha Bayern Munich Uli Hoeneß Oo Ku Dhaleeceeyay Mourinho Koob La’aanta Kooxda Man United

(Bayern Munich) 04 May 2018. Madaxweynaha Kooxda Bayern Munich Uli Hoeneß ayaa tilmaamay in Jose Mourinho uu hoos u dhigay awooda kooxda Manchester United, ee ku aadana ku guuleysiga koobaab.

“Waa inaad hubisaa inaanad heysanin xiddig weyn, waxaad u baahan tahay xidig si wanaagsan ula qabsan kara kooxda, Mourinho waa xiddig ka tirsan Manchester United, wax walba waa inuu diirada saaraa isaga’.

Lakiin sida la fahansan yahay Mourinho ayaa kooxdiisa Manchester United ku hogaamiyay ku guuleysiga Europa League iyo League Cup xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee Old Trafford.

laakiin wuxuu ilaa iyo haatan ku guuldareystay inuu kula guuleysto Manchester United horyaalka Premier League. Iyadoo xili ciyaareedkan ay awoodi waayeen in ay kula dagaalamaan Man City oo loo caleemo saaray xuli hore koobka horyaalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close