Muxuu Ka Yiri Klopp Kulanka Premier League Ay Chelsea Ku Booqan Doonaan Stamford Bridge?

(Liverpool) 04 May 2018. Jürgen Klopp ayaa kasoo hor muuqday saxaafada si uu kaga hadlo kulanka lawada sugayo ay kula ciyaari doonaan Chelsea garoonka Stamford Bridge, laakiin shirkiisa jaraa’id kagama uusan hadlin su’aalo ku saabsan finalka Champions League.

Liverpool ayaa iskeeni doonta Axada garoonka Stamford Bridge ee galbeedka magaalada London, kadib markii ay iska xaadirisay finalka Champions League oo xili ciyaareedkan ka dhici doono magaalada Kiev ee dalka Ukraine.

“Chelsea waa koox fiican, mar kasta oo aan la ciyaarno, ciyaarta waa mid aad u adag, waa inaan helnaa dhibcaha kulankan, sababtoo ah aad ayaan ugu baahanahay”.

“Waxaan dooneynaa inaan xilli ciyaareedka ku dhameysano afarta kooxood ee ugu sareysa, waxaa jirta baahi dhaqaale, lakiin waxaan dooneynaa inaan ka ciyaarno Champions League ee aan ugu wanaagsanaano qaarad ka qaar, taasi waa waxa dooneyno in aan qeyb ka noqo”.

Klopp oo la su’aal laga weydiiyay kulanka finalka Champions League ayaa wuxuu yiri: “Kama fikiriyo kulanka finalka xiligan, waxaan eegi doonaa finaaladii aan soo ciyaaray kadibna waxaan sameyn doonaa waxa walba ee kasoo horjeeda”.

Hadalkan kasoo yeeray Jürgen Klopp ayaa wuxuu muujinayaa inuu doonayo ka bixista rikoor xumida ka heysata kulamafa finalka, isla markaana uu xili ciyaareedkan ku guuleysto tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close