Guardiola Oo Ka Hadlay Goo’anka Sergio Agüero Kaga Aadan Koobka Aduunka 2018

(Man City) 04 May 2018. Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa maanta oo Jimco ah ka hadlay, go’aanka Sergio Agüero kaga aadan in uu qeyb ka noqdo koobka aduunka 2018 ka dhici doono dalka Russia.

Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in Agüero uu si wanaagsan kaga soo kabtay qaliinkii uu ka maray dhanka jilibka, wuxuuna diyaar u yahay inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee 2018.

“Xaaladiisa aad ayeey u fiicnaan doontaa koobka aduunka ee soo aadan, waxaan idin sheegi karaa warbixintii ugu dambeesay uu ka helay dhakhtarka waxay tilmaameysaa in wax walba ay fiican yihiin”.

29 jirkan ayaa xili ciyaareedkan u dhaliyay kooxda Manchester City 21 gool, taasoo Sky Blues ka caawisay in ay ku guuleysato koobka Primier Lugue, laakiin wuxuu qaliin maray bishii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close