Gabar wariye ah oo dil ugu hanjabtay daafaca Barcelona ee Samuel Umtiti (Muxuu ka sameeyay?)

(Barcelona) 04 Maajo 2018 Daafaca kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa sabab u noqday in gabar wariye ah ay dil ugu hanjabto.

Laacibka ayaa ka caraysiiyay gabadha wariyaha ah xili ay tabinaysay dabaal dagii Barcelona ee labadii koob ee ay ku guulaysatay xiliciyaareed kaan.

Image result for samuel umtiti journalist

Samuel Umtiti ayaa u dabaal dagayay si waali ah, wuxuuna cabitaan ku daadinayay taageerayaasha hoos jooga baskii waday ciyaartoyda ee ay ku dabaal dagayeen.

Marca ayaa daaha ka qaaday in Samuel Umtiti waxyaabo uu tuurayay ay si lama filaan ah ugu dheceen gabadha wariyaha ah taas oo aad u carootay isla markaana u sheegtay daafaca Barcelona inay dili doonto.

Balse daafaca reer France ayaa durba qirtay qaladkii uu galay, gabadhii ayuu raali galiyay.

Image result for samuel umtiti journalist

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close