Sampaoli Oo Ku War Galiyay Icardi Go’aankiisa Kama Dambeysta Ah Ee Ku Aadan Inuu Ugu Yeerayo Koobka Aduunka Iyo Inkale

(Argantina) 03 May 2018. Macalinka xulka qaranka Argantina Jorge Sampaoli ayaa la kulmay weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi, wuxuuna u sheegay inuusan qeyb ka ahayn qorshihiisa koobka aduunka ee 2018 ka dhici doono dalka Russia.

Jorge Sampaoli ayaa badalka Mauro Icardi u yeeri doona weeraryahanka kooxda Manchester City Sergio Aguero, si uu dhanka weerarka ugu wehliyo kabtanka xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi.

Weeraryahanka kooxda Manchester City ayaa kasoo kabsanaya dhaawac jilibka ah laakiin waxaa la filayaa inuu diyaar u noqdo Koobka Adduunka.

Sampaoli ayaa haatan ku gudi jira socdaal ku aadan wadamada Yurub si uu u  booqdo ciyaartoy dhowr ah ee xulkiisa ka tirsan uu doonayo inuu ogaado xaaladooda caafimaad maadaama ay kala qeyb galayaan koobka aduunka 2018 ka dhici doona dalka Russia

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Sampaoli uu si cad ugu sheegay Mauro Icardi sababta uu kaga saaray liiskiisa inay tahay, kadib markii uu dib u daawaday qaab ciyaareedkiisa, 25 jirkan ayaana dhaliyay 27 gool 31 kulan uu xili ciyaareedkan kaga soo muuqday Inter Milan

Inkastoo uu dhaliyay 108 gool ee ah horyaalka Talyaaniga, kadib 187 kulan uu kasoo muuqday, hadana afar kulan kaliya ayuu u saftay xulka qaranka Argentina.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close