Robert Pires oo saadaaliyay natiijada kulanka caawa ee Atletico vs Arsenal

(Madrid) 03 Maajo 2018 Halyeeygii hore ee Arsenal ee Robert Pires ayaa saadaaliyay natiijada kulanka caawa ee lugta labaad ee Semi Final-ka Europa League.

Robert Pires ayaa saadaaliyay in Arsenal ay caawa ka soo bixi doonto Atletico Madrid isla markaana ay iska xaadirin doonto Final-ka Europa League.

44 jirkaan ayaa sheegay in natiijadu ay ku dhamaanayso 2-2 taas oo Arsenal ka caawinaysa inay ku soo baxdo Goal away maadaama kulankii hore lagu soo kala baxay 1-1.

“Waxaan rumaysanahay in Arsenal ay caawa ka soo bixi doonto Atletico, waxaan filayaa in ciyaartu ay ku dhamaan doonto 2-2 oo Arsenal ay soo bixi doonto” ayuu yiri Robert Pires.

Labada kooxood ayaa caawa garoonka la soo galay wixii awood ah oo ay haysteen.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close