RASMI: Koscielny Oo Seegaya Koobka Aduunka 2018, Kadib Dhaawacii Darnaa Ee Ka Soo Gaaray Kulankii Atletico Madrid

(Arsenal) 03 May 2018. Daafaca kooxda Arsenal Laurent Koscielny ayaa baaritaanadii caafimaad uu maray kadib dhaawacii ku soo gaaray kulankii lugta labaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Europa league ee Atletico Madrid, waxay muujiyeen, in xidiga uu soo gaaray dhaawac dilaac ah ee dhanka canqawga.

Saxaafada Ingariiska ayaa shaaca ka qaaday in kadib baaritaanadii caafimaad uu maray Laurent Koscielny uu helay in uu garoomada ka maqnaan doono mudo aan ka yareen 6 ilaa iyo 9 bilood.

Iyadoo ay jiraan tilmaamahan xun,  ayaa hadana la xaqiijinayaa in uu soo idlaaday xili ciyaareedka Laurent Koscielny, isagoo dhinaca kale seegi doona xitaa koobka aduunka ee 2018 ka dhici doono dalka Russia, kaasoo bilaabmi doona 14-ka June.

Laurent Koscielny ayaa dhaawacmay daqiiqadii 7aad, inkastoo uusan xiriir la laheyn dhaawaciisa ciyaaryahan kasta ee garoonka ku dhex sugnaa, kadib markii uu garoonka ku dhex dhacay waxaana durbadiiba soo gaaray kooxda caafimaadka si loogu fudiyo xaalad baxnaano ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close