Qiimaha Tikidhada kulanka lagu sagootinayo tababare Arsene Wenger oo aad u qaaliyoobay

(London) 03 Maajo 2018 Arsenal ayaa axada marti qaadi doonta kooxda Burnley kulankeeda ugu danbeeya Premier League ee ay ku ciyaarayso garoonkeeda Emirates.

Kulankaas ayaa ah mid kooxdu ay uga faa’idaysanayso inay ku macsalaamayso tababare Arsene Wenger oo kooxda soo laylinayay muddo dhan 22-sano.

Qiimaha tikidhada lagu galayo garoonka Emirates kulanka axada ayaa aad u qaaliyoobay, waxaana halkii tikidh qiimihiisu uu gaaray 2000 oo euro (Labo kun oo euro).

Qiimahaas ayaa ah in kabadan 2-kun oo doolar, taageerayaal badan ayaana gurigooda ka daawan doona sagootinta tababare Arsene Wenger maadaama tikidka axada lagu galayo garoonka Emirates uu noqday mid qaali ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close