Kluivert Oo Ku Taageeray Ramos Hadal Uu Dhawaan Ku Weeraray Barcelona, Isagoo Dhinaca Kale Saadaaliyay Kulanka El Clásico

(Spain) 03 May 2018. Weeraryahankii hore kooxda Barcelona Patrick Kluivert ayaa ku taageeray hadalkii uu ka dhawaajiyay kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ee ku aadanaa isbarbardhigga koobka Champions League iyo horyaalka La Liga iyo Copa del Rey.

Patrick Kluivert ayaa u sheegay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuuna yiri: “Waxaan taageersanahay hadalada Ramos ee ah ku guuleysiga Champions League, wuxuu ka fiicantahay koobabka La Liga iyo Copa del Rey”.

“Real Madrid waxay u ciyaareysaa si fiican, ciyaartoyduna waxay isku dayayaan inay shaqo fiican qabtaan”.

Dhinaca kale Patrick Kluivert ayaa wax laga weydiiyay fikirkiisa ku aadan sababta uu Zinedine Zidane u diiday safaf sharafeedka kulanka El Clasico wuxuuna yiri: “Ma fahmin sababta uu sidaas u sameynayo,”

“Lionel Messi waa kan ugu fiican ee kooxdiisa laakiin ma sameyn karo wax walba oo naftiisa, laakiin waxaan qabaa in Barcelona ay kulanka El Clasico guul ku gaari doonto 3-1”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close