HORDHACA: Atletico Madrid vs Arsenal, Ciyaarta Lugta Labaad ee Afar Dhamaadka Europe League

( Europe League ) 03 Maajo 2018. Atletico Madrid ayaa marti galin doonta cayaarta lugta labaad ee afar dhamaadka koobka Europe League dhigooda Arsenal

Dheeshii lugtii hore ee ka dhacay garoonka Emirates waxa ay ku dhamaatay 1-1 sidaas waxaa faa’iido kuwadata kooxda Spain balse Gunners ayaa looga baahan yahay guul ama barbaro 2-2 ah si ay u gaaran finaalka koobkan.

Ogeysiiska ciyaarta

Tartanka: Europe League

Waqtiga:10:05 pm saacada geeska afrika

Garsooraha: Gianluca Rocchi

Garoonka: Wanda Metropolitano

Wararka labada koox

Diego Costa ayaa la heli karaa kulankan kadib markii uu dib usoo laabtay cayaartii Deportivo La Coruna ee asbuucaan, laakiin Sime Vrsaljko waa uu seegi doonaa dheeshan kadib casaankii uu qaatay kulankii lugta hore. Juanfran ayaa sido kale maqnaaya, laakiin Filipe Luis ayaa si buuxda kaga soo kabtay jab lugtaa.

David Ospina, Alex Iwobi iyo Henrikh Mkhitaryan ayaa tababrkii kooxda kamid noqday waxaa laga yabaa in saddaxdaba ay safka kusoo bilaawdaan. Mohamed Elneny ayaa ka maqnaan doona kooxda dhaawac dartiis iyo sido kale Santi Cazorla, inkastoo uu dib u bilaabay tababar balse waa mid weli sugi doona kulankiisa koowaad.

Xaqiiqooyinka ciyaarta

Arsenal waa guul la’aan lixdii kulan ee u dambeysay oo ay booqatay kooxaha Spain labo barbaro  iyo afar guuldaraa, guushii ugu dambeysay oo Spain kusoo garaan waxa ay aheyd bishii February sanadkii 2006, – waxa ayna 1-0 kaga adkaadeen Real Madrid tartanka Champions League.

Kaliya labo mar hore ayey arsenal barbaro gashay lugta koowaad ee afar dhamaadka tartamada yurub, balse u gudbay ugu dambeyn finalka waana 1979-80 iyo 1993-94 koobkii la oran jiray Cup Winners Cup.

Si kastaba, shan koox ayaa guuleysatay marka ay gool ku dhaliyaa lugta kowaad banaanka kulamada afar dhamaada tartamada yurub, waxaana kamid ah labada naadi ee finalka Europe League gaartay ee Dnipro 2014-15 iyo Sevilla 2015-16.

Gunners ayaa ku hamineysa in ay gaaro finaalkii lixaad ee tartamada yurub, iyo kii seddaxaad ee inta uu leylinayo Arsene Wenger –wuxuu hore u gaaray Uefa Cup final 2000 iyo Champions League final 2006 balse labaduba waa uu guuldareystay

Hadii Arsenal ay u gudubto finalka, waxa ay noqon doontaa markii ugu horeysay oo laba koox oo England ah ay garaan fiinaalayaasha Europe League iyo Champions League tan iyo xagaagii 2005-06 oo waqtigas ay Arsenal gaartay finalka Champions League, iyo Middlesbrough oo iyana gaartay Uefa Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close