Bayern Munich Oo Diyaarineysa Dalab Qaali Ah Si Ay Juventus Kaga Soo Qaadato Paulo Dybala

(Bayern Munich) 03 May 2018. Bayern Munich ayaa isku dayaysa inay lasoo saxiixato xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus Paulo Dybala sida ay ku warameyso jariiradda Jarmalka ee Bild.

Paulo Dybala ayuusan xili ciyaareedkan u ahayn mid u wanaagsan marka loo fiiriyo kooxdiisa Juventus, maadaama kulamo badan uusan kusoo bilaawan shaxda tababare Massimiliano Allegri, taasoo ka dhigeysa in xidiga reer Argantina uu doono ka tagista Bianconeri.

Wargeyska Bild ayaa sheegaya in kooxda Bayern Munich ay xidigan ku dalban doonto aduun dhan 100 milyan oo euros si ay ugu qasabto kooxda reer talyaani ee Bianconeri in ay iska fasaxdo xidigeedan 24 jirka ah.

Ilaa iyo haatan, Paulo Dybala ayaa lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqi doono Spain, si uu ugu biiro midkood Real Madrid, Barcelona ama Atletico Madrid.

Juventus ayaa Dybala 40 milyan oo euros kaga soo iibsatay kooxda Palermo xagaagii 2015, wuxuuna xili ciyaareedkan dhaliyay 25 gool, isagoo dhinaca kale sameeyay 7 gool cawinaad, 42 kulan uu kooxda Juventus kaga soo muuqday dhamaan tartamada oo idil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close