Arsenal Oo Dhibaato Xoogan Ay Soo Gaartay, Kadib Markii Uu Dhaawac Daran Soo Gaaray Laurent Koscielny Kulanka Atletico Madrid

(Arsenal) 03 May 2018. Arsenal ayaa dharbaaxo xoogan la kulantay kadib markii uu dhaawac xoogan uu soo gaaray difaaca kooxdeeda ugu muhiimsan ee Laurent Koscielny, kulanka lugta labaad Europa league ee haatan ka soconaya garoonka Wanda Metropolitano ee kooxda Atletico Madrid.

Daafaca Faransiiska ah ayaa dhaawacmay daqiiqadii 7aad ee qeybtii hore ciyaarta, inkastoo uusan xiriir la laheyn dhaawaciisa ciyaaryahan kasta ee garoonka ku dhex sugnaa, kadib markii uu garoonka ku dhex dhacay waxaana durbadiiba soo gaaray kooxda caafimaadka si loo hubiyo dhaawaciisa.

Arsene Wenger ayaana ku qasbanaaday inuu badalo Laurent Koscielny, ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa, waxaana badalkiisa uu macalinka reer France keensaday Calum Chambers, si uu qeybta dambe ee difaaca ugu wehliyo Shkodran Mustafi.

Qeybta hore ee ciyaarta kulanka kooxaha Atletico Madrid iyo Arsenal ayaa haatan kusoo idlaatay 1-0  ay ku hogaaminayaan wiilasha Diego Simeone, waxaana la sugayaa qeybta labaad iyo sida ay natiijada noqon doonto,

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close