Alberto Moreno oo ka hadlay hal asxaan oo uu u samayn doono Mohamed Salah inta lagu guda jiro bisha RAMADAAN!

(Liverpool) 03 Maajo 2018 Daafaca kooxda Liverpool ee Alberto Moreno ayaa daaha ka qaaday hal asxaan oo uu u samayn doono Mohamed Salah inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Liverpool ayaa xalay gaartay Final-ka Champions League, dhamaan ciyaartoyda kooxda ayaana ka war haaya in Final-ku uu ku soo aadayo bisha barakaysan ee Ramadaan.

Weerarka Liverpool ee Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa soomi doona, tababare Klopp ayaa wajaha baqdin ku aadan taam ahaanshaha weerarkiisa ee kulanka Real Madrid.

Alberto Moreno oo si kaftan ah u hadlayay ayaa sheegay in Salah uu u sii cunayo una sii cabayo cuntada iyo biyaha inta uu sooman yahay bisha Ramadaan, wuxuuna ula jeedaa cuntadii uu cuni lahaa Salah inuu isagu u sii cunayo maadaama wiilka reer Masar uusan wax cuni karin oo uu sooman yahay bishaas.

“Salah? Waa wiil cajiib ah, wuxuu haatan ku jiraa xiliciyaareedkiisii ugu fiicnaa, 20% ayuu tababar qaataa si uusan u dhaawacmin” ayuu yiri Alberto Moreno oo la hadlay Radio Onda Cero.

“Haatan bisha Ramadaan ayaa soo galaysay, isaga badalkiisa aniga ayaa u sii cunaya cuntada una sii cabaya biyaha, intaas oo kaliya ayaan u qaban karaa” ayuu sii raaciyay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close