Wakiilka Ivan Rakitic Oo Ka War Bixiyay Mustaqbalka Xidiga Uu Dalaalka Ka Yahay Ee Kooxda Barcelona

(Barcelona) 02 May 2018. Wakiilka Laacibka reer Croatia iyo kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa wuxuu iska diiday in xidiga uu dalaalka ka yahay uu ka bixi doono garoonka Cump Nou xili ciyaareedka soo aadan, isahoo sheegay in in xidiga reer Croatia uu doonayo in xirfadiisa kubada cagta uu kusoo gaba gabeeyo kooxda reer Catalonia.

Arturo Canales ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalka xidiga uu wakiilka ka yahay ee kooxda Barcelona xiliyada soo aadan, wuxuuna iska diiday inuu u dhaqaaqi doono midkoodna kooxaha Manchester United iyo Manchester City, isagoo xaqiijiyay in Rakitic uu haatan kaliya diirada saarayo kooxda Barcelona.

Ivan Rakitic ayaa xiliyadii lasoo dhaafay lala xidhiidhinayay maalmihii lasoo dhaafay inuu ka dhaqaaqi doono garoonka Cump Nou si uu ugu biiro kooxaha Manchester United iyo Manchester City midkood,

Macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa wuxuu xiiso balaaran kasoo muujiyay saxiixa xidiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Ivan Rakitic, laakiin wuxuu loolan adag kala kulmi doonaa macalimiinta Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola oo labada isha ku haya xaaladiisa kooxda reer Catalonia.

Ivan Rakitic ayaa wuxuu xili ciyaareedkan kaga soo muuqday kooxda Barcelona 43 kulan ee ah dhamaan tartamada kala duwan, wuxuu dhaliyay 4 gool, wuxuuna caawiyay sidoo kale tiro la mid ah ee goolal ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close