Waakee Garsooraha U Sharaxan Inuu Dhex Dhexaadiyo Kulanka Finalka Champions League?

(Champions League ) 02 May 2018. Garsooraha Turkiga ee Cüneyt Çakır oo si wanaagsan u soo dhex dhexaadiyay kulankii Real Madrid iyo Bayern Munich, ayaa la filayaa inuu yahay garsooraha ugu cad cad ee lala xiriirinayo inuu dhex dhexaadin doono kulanka finalka Champions League ee ka dhici doono magaalada Kiev

Garsooraha Turkiga ayaa dhaleeceyn kala kulmay saxafiyiinta Jarmalka, kuwaas oo muujiyay sida ay kaga careesan yihiin go’aamadii uu ka qaatay kulankii Real Madrid ee lugta labaad.

Madaxa gudiga garsoorsoorka ee kubada cagta Yusuf Namoğlu ayaa wareysi uu siiyay wargeyska AS ku sheegay in xiriirka kubada cagta ee qaarada yurub ay kalsooni buuxda ku qabaan garsoore Cüneyt Çakır.

Cüneyt Çakır ayaana la rajeynaya in loo doorto dhex dhexaadinta kulanka finalka ee Champions League iyo Koobka Aduunka ka dhici doona dalka Prussia dhawaantan, iyadoo ay arintan ay ka dhigeyso in kalsooni weyn ay ku qabaan shaqada garsooraha reer Turkiga Xiriirka Kubadda Cagta ee qaarada Yurub.

“Aniga ahaan kama hadli karo go’aamada Cüneyt Çakır ee kulankii ugu dambeeyay uu dhex dhexaadiyay, waxaan kaliya sheegi karaa kaliya waxyaabihii aan soo arkay iyo sidoo kale gudiyada FIFA iyo UEFA”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close