Saxaafada Madrid oo qiray in xalay laga eexday kooxda Bayern Munich

(Madrid) 02 Maajo 2018 Real Madrid ayaa xalay gaartay Final-ka Champions League sanadkii 3-aad oo xiriir ah kadib barbaro 2-2 ah oo ay la gashay Bayern Munich.

Wargaysyada ka soo baxa Magaalada Madrid kuwa ugu madaxa fiiqan ee AS iyo Marca ayaa daaha ka qaaday in xalay laga eexday Bayern Munich.

Labada wargays ayaa soo calaamadeeyay dhacdadii uu dhulka ku riday Ramos weerar yaanka Bayern ee Lewandowski iyo kubaddii uu gacanta ku taabtay Marcelo.

Khabiirka dhanka garsoorka ee Wargayska AS ayaa sheegay in labada dhacdaba ay ahayd in gool ku laad loo dhigo Bayern Munich.

Waxaa taas la qaba khabiirka dhanka garsoorka ee wargayska Marca kaas oo intabadan xooga saaray sax ahaan shaha kubaddii uu taabtay Marcelo oo uu sheegay inay ahayd gool ku laad cad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close