Ribery Oo Faariin U Diray Jamaahiirta Bayern Munich, Kadib Markii Ay Isaga Soo Hareen Champions League

(Bayern Munich) 02 May 2018. Franck Ribéry ayaa wuxuu fariin raali galin ah u diray jamaahiirta kooxda Bayern Munich, kadib markii ay Real Madrid kaga soo cirib tirtay xili ciyaareedkan tartanka Champions League.

Waayeelka kooxda Bayern Munich ayaa wuxuu kusoo daabacay barahiisa rasmiga ah ee Twitter-ka iyo Instagram, fariin uu ku raali galinayo jamaahiirta ku xiran kooxdooda, kadib markii ay isaga soo hareen Champions League.

Laakiin Franck Ribéry ayaa ku xaqiijiyay fariintiisan in Bayern Munich ay habeenkii xalay sameesay wax walba ay kusoo laaban kartay inta uu socday kulankii ka dhacay garoonka Santiago Bernabeu.

Dhinaca kale laacibka reer France ayaa kaga mahad celiyay jamaahiirta taageeradooda kooxda Bavarian-ka 180-ka daqiiqo ee labada lugood ee kulankan, isagoo carabka ku adkeeyay in nasiibka uu ka hor istaagay wax walba ay sameeyeen si ay u gaaraan kulanka finalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close