Luka Modric oo la hadlay dadka ka caraysan guulaha Real Madrid

(Madrid) 02 Maajo 2018 Luka Modric ayaa ka hadlay dadka ka caraysan guulaha ay gaarayso kooxdiisa Real Madrid kadib markii kooxdiisu ay xalay u soo baxday Final-ka Champions League.

Laacibka ayaa sheegay inuusan arkin kubaddii uu gacanta ku taabtay Marcelo balse ay jiraan dad marwalba ka xun guulaha Real Madrid.

Luka Modric ayaa intaa ku daray inay la qabsadeen eedeeynta loo jeedinayo kooxdooda sidaas darteedna aysan meelna ka soo qaadayn hadalada looga soo horjeedo kooxdiisa.

“Marwalba oo aan ciyaarno dood ayaa la keenaa, ma aanan daawan dhacdadii Marcelo, sidaas darteed kama hadli karo” ayuu yiri Luka Modric.

“Waxaa jira dad badan oo raadinaya marwalba inay dilaan sumcadeena iyaga oo ka xun guulaha aan gaarayno, waxay necebyihiin guulaheena, balse anagu waan la qabsanay”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close