Koox cusub oo ku soo biirtay xiisaha tababare Carlo Ancelotti

(Naples) 02 Maajo 2018 Tababaraha reer talyaani ee Carlo Ancelotti ayaa shaqo la’aan ah tan iyo markii laga cayriyay shaqada Bayern Munich horaantii xiliciyaareed kaan.

Ancelotti ayaa lala xiriiriyay shaqada xulka qaranka talyaaniga oo ugu danbayntii uu iska diiday, sidoo kale waxaa lala xiriiriyay shaqada kooxdiisii hore ee PSG.

Kooxaha kale ee aadka loola xiriiriyay waxaa kamid ah Chelsea iyo Arsenal oo isaguba uu aad u doonayo inuu layliyo.

Laakiin Radio CRC ee dalka talyaaniga ayaa daaha ka qaaday in kooxda Napoli ay markaan ku soo biirtay kooxaha xiisaynaya saxiixa tababare Ancelotti.

Napoli ayaa u aragta Ancelotti badalka ku haboon ee tababare Maurizio Sarri kaas oo dalab ka helay kooxaha Chelsea, Tottenham iyo Arsenal.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close