Keylor Navas oo shardi adag ku xiray inuu sii joogo kooxdiisa Real Madrid

(Madrid) 02 Maajo 2018 Goolhayihii xalay badbaadiyay Real Madrid isla markaana sababta u noqday in kooxdu ay gaarto Final-ka Champions League ayaa markaan la yimid shuruud culus.

Keylor Navas ayaa lala xiriiriyay inuu ka tagi doono Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kaan, laakiin qaab ciyaareedkiisa fiican ayaa durba soo jiidatay tababare Zidane iyo madaxwayne Perez.

Sida ay baahisay Don Balon, Keylor Navas ayaa shardi adag ku xiray inuu sii joogo xiliciyaareedka dambe kooxdiisa Real Madrid.

Goolhayaha reer Costa Rica si wayn ayuu ula dhacsan yahay inuu sii joogo Real Madrid laakiin shardiga uu wato ayaa ah in kooxdu aysan la soo saxiixan goolhaye kale suuqa xaggaaga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in 31 jirkaan uu haysto dalabyo badan oo uga imaanaya kooxaha ugu wayn qaarada yurub, balse dooqiisa koowaad ayaa ah inuu sii joogo Real haddii kooxdu aysan la soo wareegin goolhaye kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close