David de Gea: “Koobka FA Cup-ka Kuma Filna Kooxda Manchester United”

(Man United) 02 May 2018. Goolhaaye David de Gea ayaa xaqiijiyay in xili ciyaareedkan uusan u ahayn kooxdiisa Manchester United mid guulo ilaa iyo ay kaga guuleystaan koobka FA Cup-ka ee la ciyaari doono bishaan May, wuxuuna uu ugu baaqay kooxda inay raadiyaan bar-tilmaameeyo waaweyn ee muhiim ah.

David de Gea ayaa u sheegay shabakada Sky Sports: “Xili ciyaareedkan ma uusan ahayn mid inoo wanaagsan, sababtoo ah kuma guuleysan bar-tilmeedkeenii ugu weynaa, waana ku guuleysiga horyaalka, islamarkaana aan si wanaagsan u ciyaarno Champions League”.

“FA Cup waa muhiim waana inaan isku dayi doonaa inaan badino, lakiin taasi kuma filna, waxaan nahay Manchester United, waana inaan doonnaa inaan horumarino ujeedooyinkeena si aan u sameeno waxyaabo ka fiican”.

“Waxaan bilaawan doonaa xili ciyaareed cusub, waana inaan wanaajinaa dhinacyo badan, lama tartami doono kaliya Manchester City, ee waxaan kula dagaalami doonaa horyaalka 5 ilaa iyo 6 kooxood ee kale, taasina waxay u baahan tahay dadaal badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close