Atletico Madrid Oo War Fiican Heleysa Kahor Kulanka Arsenal Ee Tartanka Europa League

( Atletico Madrid ) 02 May 2018. Difaaca kooxda Atletico Madrid Filipe Luís ayaa ka helay dhakhaatiirta kooxda warbixintiisa caafimaadka, kadib markii uu ku guuleestay inuu si wanaagsan kaga soo kabto dhaawacii jabniinka ahaa ee kasoo gaaray lugtiisa bidix.

Difaaca xulka qaranka Brazil Filipe Luís ayaa hadaba ku soo baxay liiska xidigaha Atletico Madrid uu doonayo tababare Diego Simeone inuu kala hor tago kulanka lugta labaad ee wareega afar dhamaadka koobka Europa League ay Khamiista ku wada ciyaari doonaan kooxda Arsenal.

Filipe Luís ayuu dhaawacan lugta bidix soo gaaray 16 bishii March, Wuxuu garoomada ka maqnaa ilaa todobo isbuuc waxaana uu maray daaweyn jireed aad u xoogan.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa tababarka kooxda ku biloway sabtidii lasoo dhaafay, waxaana uu diyaar u yahay inuu ka hoos ciyaaro Diego Simeone, laakiin uma badna inuu ka qeyb galo kulanka Khamiista ee Arsenal, waxayna u badan tahay inuu kusoo bilaawdo kursiga keydka ee kooxda.

Liiskan waxaa sidoo kale kusoo baxay goolhaaye Jan Oblak, ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac kubka ka soo gaaray kulankii Axadii ee Alaves, halka kulankan ay seegi doonaan dhamaan xidigaha kala ah Juanfran iyo Torres.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close