Arsenal oo war farxad leh helaysa ka hor kulanka Atletico Madrid

(London) 02 Maajo 2018 Arsenal ayaa u martin doonta kooxda Atletico Madrid khamiista kulan ka tirsan lugta labaad ee Semi Final-ka Europa League.

Waxaa la xaqiijiyay in Henrikh Mkhitaryan oo jug fudud ay ka soo gaartay kulankii Manchester United uu si buuxda uga qayb qaatay tababarka kooxda.

Sidoo kale, Goolhaye David Ospina ayaa diyaar u ah kulanka khamiista, tababare Wenger ayaa xaqiijiyay inuu isagu yahay goolhayaha ku soo bilaaban doona kulankaas.

Warka kale ee farxada u ah taageerayaasha Arsenal ayaa ah in Alex Iwobi uu ka qayb qaatay tababarka kooxda, laacibka ayaana diyaar u ah kulanka khamiista.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close