Muxuu Ka Yiri Jurgen Klopp Wararka Ku Aadan In Liverpool Uu Ka Tagayo Caawiyhiisa Zeljko Buvac?

(Liverpool) 01 May 2018. Jurgen Klopp ayaa bilaaway inuu ka caroodo, kadib markii lagu dhex weydiiyay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka ay lugta labaad ee wareega afar dhamaadka Champions League ku booqan doonaan Roma, wararka ku aadan inuu baxayo caawiyihiisa kooxda Liverpool Željko Buvač.

Tababaraha Jarmalka oo aad ugu dhow inuu kasoo muuqdo kulanka finalka Champions League, ayaa u muuqday midaan ku faraxsaneen maqnaanshiyaha caawiyihiisa xiliyadii lasoo dhaafay taasoo dhalisay.

Waxaa durabadii soo baxday warar kale ee ku aadan in ay sidoo kale suuragal tahay inuu noqon doono tababaraha kooxda Arsenal ee xili ciyaareedka soo aadan si uu u noqdo badal  Arsene Wenger.

Klopp oo ka hadlayay maqnaanshiyaha Željko Buvač ayaa wuxuu yiri: “Kooxda waxay arintan kasoo saartay war rasmi ah waana intaas wax walba”.

Liverpool ayaa war ay kasoo saartay maqnaanshiyaha Željko Buvač waxay ku sabeebeesay in inta ka dhiman xili ciyaareedkan uu ku maqnaan doono arimo shaqsiyadeed.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close