Jose Mourinho Oo Qorsheenaya Inuu Iska Fasaxo Victor Lindelof Si Uu Ula Soo Saxiixdo Labadan Daafac

(Manchester United) 01 May 2018. Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa doonaya inuu lasoo saxiixdo difaaca kooxda Barcelona, marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu shaaca ka qaaday Jose Mourinho ayaa doonaya in gabi ahaanba uu ka fasaxo Old Trafford difaaca kooxdiisa  Victor Lindelof, suuqa kala iibsiga ee soo aadan.

Mourinho ayaa taa badalkeeda doonaya inuu lasoo saxiixdo daafacyada kala ah Jonny Evans oo West Bromwich Albion u ciyaara iyo Samuel Umtiti oo isna u ciyaara kooxda Barcelon.

Jose ayaan wali ka quusan soo xero galinta daafaca kooxda Barcelona Samuel Umtiti xili ciyaareedka soo aadan, si uu u xoojiyo qeybta dambe ee difaaca kooxda Red Devils.

Laakiin saraakiisha kooxda Barcelona oo ka war qabta isku dayga kooxda Manchester United, ayaa waxay wada hadalo kula jirtaa Samuel Umtiti, si ay ugu qanciso heshiiska cusub, kahor inta aan la aadin koobka adoonka ee 2018 ka dhici doona dalka Russia.

Samuel Umtiti ayaa kooxda Barcelona kaga soo biiray dhigeeda Lyon 35 milyan oo euros xagaaga 2016, waxaana heshiiska uu haatan Cump Nou ku joogo lagu kansali karaa aduun dhan  60 milyan euro.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close