DAAWO: Taageerayaasha Real Madrid oo si wayn uga cabsiiyay caawa kooxda Bayern Munich

(Madrid) 01 Maajo 2018 Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa si aan caadi ahayn u garab istaagay kooxdooda saacad ka hor kulanka ay kooxdu la ciyaarayso Bayern Munich.

Kumanaan kun oo kamid ah taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa wadooyinka soo gala garoonka si aan caadi ahayn ugu soo dhaweeyay baska garoonka u soo siday ciyaartoyda.

Marka la fiiriyo tirabadnida taageerayaasha iyo sawaxanka ay bixinayaan, waxaa durba soo muuqday cabsi galin ku wajahan ciyaartoyda kooxda Bayern Munich.

Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay 1-2 ku soo adkaatay kulankii lugta hore, caawa ayeeyna doonayaan inay gaaraan Final-ka Champions League sanadkii 3-aad oo xiriir ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close