Arsenal Oo Heshiiska U Kordhisay Xidig Ku Sugan Emirates Stadium

(Arsenal) 01 May 2018 Arsenal ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis cusub ka saxiixatay difaaceeda khadka dhexe, iyadoo aan la shaacin xiliga uu heshiiska cusub ee xidiga reer Englandku uu egyahay.

Guuners ayaa ku shaacisay website-ka rasmiga ah in difaaceeda da’ada yar ee Rob Holding, laakiin heshiiskan cusub ayaan wali la shacin mudada uu soo idlaanayo, iyadoo ay wararka tilmaamayaan in heshiiska uu yahay mudo aad u fog.

22 jirkan ayaa Arsenal kaga soo biiray Bolton Wanderers sannadkii 2016, waxaana uu ilaa iyo haatan u saftay 42 kulan kooxda ka dhisan Waqooyiga magaalada London.

Kooxda Arsenal ayaa war rasmi ah ay kasoo saartay heshiiska cusub ee Rob Holding waxay ku sheegtay: “Waxaan dooneynaa in Rob Holding aan ugu hambalyeeno heshiiska cusub, waxaanan rajeyneynaa inuu sii joogi doono kooxda sanooyinka soo socda’.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close