Zidane Oo Si Cad U Sheegay In Kooxda Barcelona Ay Ku Awood Badan Tahay Horyaalka La Liga

(Real Madrid) 30 Abriil 2018. Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona ay si xoogan ugu tartanto horyaalka La Lig ee dalka Spain, isla markaana ay soo bandhigeen xilli ciyaareed oo ay ugu qalmeen horyaalka La Liga ee dalka Spain.

“Barcelona waxay u xakameesay horyaalka La Liga si muuqata, waxayna u qalmeen inay ku guuleystaan koobka horyaalka La Liga xili ciyaareedkan, waana inaan u hambalyeynaa”.

“Sidoo kale inaga waxaan u qalanaa inaan gaarno finalka Champions League, waxay ku guuleysteen labo koob waxayna sameeyeen xilli ciyaareed cajiib ah, laakiin waxa kaliya aan haatan ee ganeeno ayaa ah qaab ciyaareedka aan kala hor tagi doono kooxda Bayern Munich”.

“Marka ay xaalada si aan wanaagsaneen u socoto waxaa dhaleeceenta oo idil u laabaneysaa macalinka kooxda, laakiin marka ay xaalada si wanaagsan u socoto, waxa la sheegayaa in wax walba ay u dheceen arimo kale”.

Si kastaba Zinedine Zidane iyo wiilashiisa ayaa waxay habeen dambe garoonka Santiago Bernabeu ku soo dhaweyn doonaan kooxda Bayern Munich, si ay u wada ciyaaraan kulanka lugta labaad ee wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close