Salah oo ka badbaaday ganaax kadib dhacdadii Bruno Martins Indi

(Liverpool) 30 Abriil 2018 Saxaafada ingiriiska ayaa ku baraarujiyay xiriirka kubadda cagta ingiriiska ee FA in tilaab sharci ah laga qaado weerar yahanka Liverpool ee Mohamed Salah.

Laacibka reer Masar ayaa lagu eedeeyay inuu wajiga xusulkiisa uga dhiftay daafaca kooxda Stoke City ee Bruno Martins Indi kulankii sabtigii.

Sawirro iyo muuqaal la helay ayaa soo muujiyay in Salah uu wajiga gacanta uga dhiftay laacibka Stoke City, waxaana la filayay in ugu yaraan la ganaaxo 3-kulan.

Sky Sports ayaa daaha ka qaaday in xiriirka kubadda cagta ingiriiska ee FA uusan wax tilaab ah ka qaadi doonin Salah maadaama dhacdadaas laga waayay wax uu ku mutaysan karo ganaax.

Taageerayaasha Liverpool iyo kuwo carbeed ayaa aad ugu farxay go’aanka ka soo baxay FA-ga ingiriiska.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close