“Ma jiro saf aan idiin galayno” – Ramos oo si cad runta ugu sheegay Barcelona

(Madrid) 30 Abriil 2018 Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa si cad runta ugu sheegay kooxda Barcelona ka hor kulanka El-Clasico.

Barcelona ayaa xalay si rasmi ah u hanatay koobka La Liga, waxayna axada marti qaadi doontaa dhigeed Real Madrid taas oo ku qasbaysa kooxda tababare Zidane inay saf u gasho Barca si loogu sharfo ku guulaysiga koobkii loo wada tartamayay.

Tababare Zidane ayaa horay u sheegay in kooxdiisu aysan saf u gali doonin Barcelona haddii ay hanato horyaalka Spain ka hor kulanka El-Clasico.

Ramos ayaana sii adkeeyay hadalka tababarihiisa, wuxuuna sheegay in Barca ay ku raaxaysato koobkii ay qaaday balse ay maankooda ka saaraan in saf loo galo oo loo sacbiyo axada dambe.

“Barcelona laba koob oo maxali ah ayeey ku guulaysatay, xiliciyaareed wayn ayuu u yahay iyaga, anagana haddii aan ku guulaysano Champions League wuxuu noo yahay xiliciyaareed wayn” ayuu yiri Ramos oo tababare Zidane la qabtay shirka jaraa’id ee ka horeeya kulanka Bayern Munich.

“Marin sharafeed? Arinkaas aad ayaa loo hadal haayaa, laakiin horay ayaan u sheegnay in aanaan samayn doonin”.

“Ma jiro hadal ka danbeeya hadalkii uu yiri Zidane, Barcelona waa ay ku guulaysatay koobka, saf loo galana waxba ma badalayo, sidaas darteed saf uma galayno”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close