James Rodríguez: “Hadii Aan Gool Ka Dhaliyo Real Madrid Ma Dabaal Dagi Doono”

(Bayern Munich) 30 Abriil 2018. Xidigaha kooxda Bayern Munich Thomas Muller iyo James Rodríguez ayaa waxay si wada jir ah kaga wada hadleen kulanka la wada sugayo ay la ciyaari doonaan kooxda Real Madrid ee lugta labaad wareega afar dhamaadka tartanka Champions League.

Thomas Muller iyo James Rodríguez ayaa waxay kasoo muuqdeen shirka jaraa’id kahor kulanka habeen dambe ee Talaadada ka dhici doono garoonka Santiago Bernabeu ee casima Madrid.

Ugu horeyn James Rodríguez ayaa ka hadlay shirka Jaraa’id, kaasoo heshiis laba xili ciyaareed amaah ah kaga soo dhaqaaqay kooxda Real Madrid dhigeeda Bayern Munich oo haatan waayo wanaagsan uu ku qaadanayo.

“Ma dabaal dagi doono hadii ay dhacdo in Real Madrid aan gool ka dhaliyo, waxaan si wanaagsan u ixtiraamayaa kooxdaan, garoonka iyo taageerayaasha”.

“Xilliyo badan oo aad u fiican ayaan halkaan ku qaatay, waxaan kula guuleystay koobab badan kooxdan, sidaas darteed jamaahiirta ayaan ixtiraami doonaa hadii ay dhacdo in aan gool dhaliyo”.

Dhinaca kale Thomas Muller ayaa isna shirkan jaraa’id kaha hadlay: “Qof kasta wuxuu arkay fursadihii badanaa ee aan sameynay kulankii kulgta hore, waxaan sameenay dhowr fursadood balse nasiibka ayaa inaga eexday, laakiin bari ayaa sidaas sameyn doonaa”.

“Haatan waxaan doonayaa inaan shabaqa kasoo taabto Real Madrid, laakiin taasi ma ahan ujeedada, ee waxaan muhiim ah inaan u gudubno kulanka finalka xitaa hadii aana dhalinin wax gool ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close