Sir Alex Ferguson oo hadiyad sharafeed gudoonsiiyay Arsene Wenger +SAWIRRO

(Manchester) 29 Abriil 2018 Tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa hadiyad sharafeed gudoonsiiyay Arsene Wenger.

Labada tababare waxaa dhex maray cadaawad badan taas oo keentay in kulamada ay wada ciyaarayaan ay noqdaan kuwo buuq uu hareeyo.

Balse muuqaaladii hore mid ka duwan ayaa caawa lagu arkay garoonka Old Trafford kadib markii Sir Alex Ferguson uu hadiyad garoonka ku dhex gudoonsiiyay Arsene Wenger.

Maamuus sharafeedka loo sameeyay Arsene Wenger ayaa yimid kadib markii tababaraha reer France uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo Arsenal dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Waxaa xusid mudan in Arsenal loogu awood sheegtay 2-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close