RASMI: Liverpool Oo Heshiis Cusub Ku Abaal Marisay Xidigeeda Roberto Firmino

(Liverpool) 29 Abriil 2018. Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday shabakadeeda rasmiga ah, in ay heshiis cusub ka saxiixatay weeraryahankeeda reer Brzil ee Roberto Firmino.

Liverpool ayaa war rasmi ah ay kusoo daabacday website-keeda rasmiga ah  ku sheegtay in weeraryahankeeda xulka qaranka Brazil Roberto Firmino uu heshiis waqti dheer ah u saxiixay Reds iyadoo aanan la sheegin inta sano uu saxiixay iyo iyo mushaarka uu heshiiskan ku qaadan doono.

Kadib heshiiska cusub uu saxiixay Firmino ayaa kaga warbixiyay dareenkiisa shabakada rasmiga ah ee Liverpool wuxuuna yiri: “Wuxuu ahaa go’aan fudud oo aan halkan ku joogayo mudo fog, wuxuu ahaa go’aanka aniga iyo qoyskeyga”.

“Joogisteyda halka waa wax weyn, kooxda waxay i siisay mustaqbal weyn, mar walbana waxaan ku riyoon jiray inaan joogo Liverpool, waxaana doonayaa inaan sii joogo si aan u gaaro riyadeyda”.

“Waan jeclahay inaan u ciyaaro kooxdan, taageerayaasha iyo jawiga halkan waa cajiib, waxa ay sameenayaan taageerayaasha dhab ahaantii waa wax wanaagsan”.

Roberto Firmino ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda Hoffenheim sannadkii 2015, isagoo kaga soo muuqday 140 kulan ee ah maaliyada koxoda Reds wuxuuna kulamadan ku dhaliyay 50 gool.

Xili ciyaareedkan ayaa lagu tiriyaa inuu yahay kii ugu fiicnaa xidiga xulka qaranka Brazil xirfadiisa kubada cagta, kadib markii uu ku guuleystay inuu dhaliyo 27 gool ee ah kooxda Liverpool, waana goolashii ugu badnaa xirfadiisa kubada cagta uu xal xili ciyaareed ku dhaliyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close