Lukaku Oo Walaac Xoogan Ku Abuuray Mourinho Kadib Markii Dhaawac Looga Saaray Kulankii Ay Guusha Ka Gaareen Arsenal

(Manchester United) 29 Abriil 2018. Lukaku ayaa wuxuu walaac xoogan ku abuuray macalinka reer Portugal iyo kooxda Manchester United Jose Mourinho, kadib markii uu dhaawac soo gaaray qeybtii labaad ee ciyaarta kulankii Premier League ay dhawaan guusha kaga gaareen Arsenal garoonka Old Trafford.

Wargeyska “The Sun” ayaa sheegay in Romelu Lukaku uu seegi doono kulanka finalka FA Cup-ka ay kula ciyaari doonaan kooxda Chelsea, kadib 3 isbuuc, sababa la xiriira dhaawaca dhaawaan kasoo gaaray kulankii Gunners.

Wararka ayaa waxay intaas kusii darayaan in Romelu Lukaku uu sidoo kale maqnaan doono saddexda kulan ugu dambeysa ay kooxdiisa Manchester United ka ciyaari doonto horyaalka Premier League, xili sidoo kale uu jiro walaac ku aadan dhanka xulka qaranka Belgium.

Kadib 5 daqiiqo marka ay bilaawatay qeybtii labaad ee ciyaarta ayuu dhaawacan ka soo gaaray Lukaku dhanka canqawga lugta midig, kadib markii uu taakalo xoogan kala kulmay laacibka kooxda Arsenal Mavrovanos, taasoo ku qasabtay xidiga reer Belgium in laga saaro ciyaarta, wuxuuna go’aansaday Mourinho in badalkiisa uu keensado da’ayarka reer England Marcus Rashford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close