Deportivo La Coruna Oo Safaf Sharafeed U Sameesay Kooxda Barcelona

(La Liga) 29 Abriil 2018. Kooxda Deportivo La Coruna ayaa safaf sharafeed u sameesay ciyaartoyda kooxda Barcolana, kahor inta uusan bilaawan kulanka ay haatan kuwada ciyaarayaan horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Safaf sharafeedka ay xidigaha kooxda Deportivo La Coruna u sameeyeen dhigooda Barcelona ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii ay dhawaan Blugarana kaga soo guuleysatay Copa del Rey kooxda Sevilla.

Barcelona ayaa dooneysa in ay caawa ku guuleysato horyaalka La Liga ee dalka Spain hadii ay kulankan guul ka gaarto kooxda Deportivo La Coruna, waxaana kooxda reer Catalonia ay koobkan ugu guuleysan kartaa sidoo kale hadii ay xitaa barbaro la gasho Deportivo La Coruna.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close