“Cristiano Waa Ciyaaryahan Weyn, Laakiin Messi Wuxuu Xili Kasta Ii Yahay Kan Koowaad, Wuuna Ii Ahaan Doonaa”.

(Barcelona) 29 Abriil 2018. Terry Venables oo horey u soo leeliyay kooxda Barcelona ayaa qeyb kasoo noqday shaqsiyaadka la dhacsan qaab ciyaareedka xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya la shaqeynta macalin Jürgen Klopp ee kooxda Liverpool, tan iyo bilawgii xili ciyaareedka, wuxuuna soo jiitay cid kasta ee ku xiran kubada cagta.

“Waxa aan kala yaabay Salah ayaa ah, inuusan ahayn weeraryahan toos ah, hadana wuxuu dhaliyay goolal fara badan, waana waxa uu kaga duwan yahay dhaliyihii hore Liverpool ee Ian Rush oo ahaa weeraryahanka tooska ah, si xoogana ugu dhawaa goolka” waxaa sidaas u sheegay Daily Express Terry Venables.

“Waxaan qabaa Salah, inuu yahay ciyaaryahanka seddexaad ee adduunka ugu fiican, ka dib Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi”.

“Cristiano waa ciyaaryahan weyn, marka aad eegto awoodiisa jireed iyo farsamadiisa, laakiin Messi wuxuu xili kasta ii yahay kan koowaad aniga ahaan, waa ciyaaryahan caqli badan, wuuna ii ahaan doonaa xili kasta”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close