Arsenal oo dhibaato la kulantay ka hor kulanka caawa ee Manchester United

(Manchester) 29 Abriil 2018 Arsenal ayaa mashaqadii ugu horaysay lugaha la gashay ka hor inta aysan maqribnimada caawa la ciyaarin kooxda Manchester United.

Darawalka baskii waday ciyaartoyda Arsenal ayaa sameeyay qalad kadib markii uu gaariga ku baakimay meel qaldan taas oo keentay in la ganaaxo sida ay baahisay Daily Mail.

bus

Booliiska magaalada Manchester ee dhanka wadooyinka ayaa ku ganaaxay gaariga Arsenal lacag dhan 60 Pound.

Kulanka caawa ayaa ah mid aan muhiimad buuran u lahayn Arsenal oo ka soo tagtay ilaa 6-laacib oo lafdhabar u ah kooxda.

Laakiin kulanka ayaa muhiim u ah Manchester United oo doonaysa inay ka fogaato Liverpool oo barbaro shalay la gashay Stoke City.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close