Thiago Alcântara Oo Doonaya Inuu Dib Ugu Laabto Barcelona Laakiin Wuxuu Sugayaa Arintan.

(Bayern Munich) 28 Abriil 2018 Wargeyska “Don Balón” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xidiga kooxda Bayern Munich Thiago Alcântara uu xiiseenayo dib ugu laabashada kooxda Barcelona xili ciyaareedka soo aadan.

27 jirkan ayaa haatan lagu tiriyaa xidigaha ugu muhiimsan kooxda Bayern Munich, tan iyo markii uu yimid garoonka Allianz Arena sanadii 2013, xiligaas uu kaga soo biiray kooxda reer Catalonia.

Sida laga soo xigtay jariiradda caanka ah Thiago Alcântara ayaa isku arka inuu yahay badalka saxda ah ee Andres Iniesta, kaasoo ku dhawaaqay inuu ka tagayo Barcelona dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich Thiago Alcântara ayaa lagu qiimeeyaa aduun dhan 70 milyan euro, Barca wax dhibaato ah kuma qabi doonto qiimahan hadiiba ay dib u heleyso xidigeedii hore, laakiin waxay ku xiran tahay ogolaanshaha xidiga reer Argantina ee Lionel Messi.

Barcelona ayaa kula dagaalami doonta saxiixa Thiago Alcântara dhigeeda Real Madrid oo sidoo kale isha ku haysa adeega xidigan si uu ugu noqdo badalka 32 jirka khadka dhexe ee Luka Modric.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close