Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde Oo Isha Ku Haya Badal Andres Iniesta

(Barcelona) 28 Abriil 2018 Sida laga soo xigtay wargeyska “Don Balón” tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa wuxuu xiiseenayaa in kooxda Athletic Bilbao uu kasoo qaato xidiga Iker Muniain si uu u noqdo badalka Andres Iniesta.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Andres Iniesta ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda reer Catalonia dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib mudo dhan 22 sano.

Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa aaminsan in ciyaaryahanka kooxda Athletic Bilbao Iker Muniain uu yahay bedelka ugu fiican Iniesta ee kooxda Blugarana.

Valverde ayaa ka warqaba in Iker Muniain uu heer ciyaareed cajiib ah ku qaadanayo Athletic Bilbao iyadoo ay Barca ka faa’ideysan karto awoodiisa, laakiin ciyaartoyda sida Lionel Messi iyo Gerard Pique ayaa diidan in la sameeyo saxiixa xidigan sida warbixintan lagu xusay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close