Real Madrid oo si Dhib Badan ugu Dubatay Garoonkeeda Naadiga Leganes kulan Ciyaareed Horyaalka Kamid ahaa.

( La liga ) 28 April 2018. Real Madrid ayaa kaga adkaatay garoonkeeda kooxda leganes kulankii kamid ahaa ciyaaraha La liga Spain iyagoon ku badiyay 2-1

Qeybta hore ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay kulanka ku hogaamineysay kooxda marid oo in badan nasiday cayaaryahada kooxda koowaad.

Markii ciyaartu socotay 8 daqiiqo oo qura ayuu xiddiga keydka inta badan fadhiyay ee Gareth Bale daah furay goolka kowaad ee dheesha kadib kubad dhabal aheyd ama laba lugaatey.

Dhamaadka kaambiyaha hor intaan kala marin Real ayaa la timid goolka labaad waxaan u dhaliyay Borja Mayoral.

Dib markii loogu soo laabtay qeybta dambe kooxda leganes ayaa la timid goolka waxaan u dhaliyay Darko Brasanac daqiiqadii 73-aad, balse isku dayo ay sameyeen uma aysan suura galin iney la yimaadaan goolka bar barah.

Waxaana dhamaadka kulanka calaamda roosaha laga siiyay laacibkooda Gabriel.

Real Madrid ayaa 12 dhibcood ka dambeysa Barcelona oo guul kaliya u baahan kulanka axada si ay u xaqiijiyaan hanashada horyaalka kal ciyaareedkan.

Gareth Bale (right) celebrates with his Real Madrid team-mates after scoring against Leganes

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close