Muxuu Ka Yiri Jürgen Klopp Barbarihii Ay La Galeen Stoke City?

(Liverpool) 28 Abriil 2018 Tababaraha Jarmalka ah Jürgen Klopp ayaan ku faraxsaneyn natiijada kulankii barbaraha goolal la’aanta ku dhamaaday ee Liverpool iyo Stoke City ee horyaalka Premier League.

Mohamed Salah iyo saaxiibadiisa ayaa iska qasaariyay fursado badan kulankii Stoke City oo qaab difaacasho fiican kala hor timid Reds kulankan, iyadoo wiilasha Klopp aysan kulankan kusoo bandhigin qaab ciyaareedkii lagu yaqiinay.

Waxaa kulankan ka maqnaa weeraryahanka xulk qaranka Senegal Sadio Mané, sababa la xidhiidha dhaawac.

Jürgen Klopp ayaa kadib kulanka u sheegay saxaafada: “Kooxda Stoke waa mid nasiib badan, waxay u yimaadeen inay la laabtaan hal dhibac weyna u suuragashay”.

“Waxaan soo dhaweenayaa inaan helno hal dhibac, laakiin waan sameyn karnay qaab ciyaareed ka fiican kii aan kulankan ku qaadanay, balse heerkeena maanta waa la aqbali karaa.”

Jürgen Klopp oo ka hadlayay rigoodhadii laga diiday kooxdiisa ayaa wuxuu yiri: “Waxaan u maleenayaa in rigoodhada ay ahayd mid sax ah, laakiin ma aanan arkin”.

Dhaawaca Jordan Henderson ayuu sidoo kale ka hadlay Jürgen Klopp wuxuuna yiri: “Waxaa soo gaaray dhaawac dhanka canqawga ah, wuxuuna baaritaano caafimaad ee dheeri ah mari doonaa bari si loo ogaado heerka uu dhaawiciisa gaarsiisan yahay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close