Juventus oo labo xiddig ka doonaysa Tottenham

(Torino) 28 Abriil 2018  Kooxda Juventus ayaa diirada saaratay labo laacib oo u ciyaara kooxda Tottenham si ay ula wareegto dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Juventus ayaa ku dadaalaysa inay si bilaash ah ku hesho laacibka qadka dhexe ee Liverpool ee Emre Can laakiin kooxda ayaa u weecanaysa xiddiga Tottenham ee Mousa Dembele haddii ay ku guul daraysato soo xerogalinta Can sida ay baahisay TuttoSport.

Image result for Mousa Dembele Toby Alderweireld

Heshiiska 30 jirka reer Belgium uu kula jiro kooxda Tottenham ayaa dhacaya xiliciyaareedka dambe, wadahadalada heshiis kordhintiisa ayaa ah kuwo hakad la galiyay.

Maamulka kooxda reer ingiriis ayaana ku fikiraya inay iska iibiyaan Mousa Dembele suuqa xaggaagan haddii uu diido inuu saxiixo heshiis cusub.

Juventus ayaa sidoo kale doonaysa daafaca reer Belgium ee kooxda Tottenham ee Toby Alderweireld kaas oo doonaya inuu ka tago kooxdiisa dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close