Iniesta Oo Markan Fariin Qiiro Leh Kaga Timid Xidig Ay Kusoo Wada Guuleysteen Koobkii Aduunka Ee 2010

(Barcelona) 28 Abriil 2018 Iker Casillas ayaa u diray fariin qiiro badan Andres Iniesta, kadib markii uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda Barcelona dhamaadka xili ciyaareedkan.

Goolhaayaha reer Spain ayaa sheegay in Iniesta uu soo qabtay shaqo macquul ah, maadaama ay kusoo wada guuleysteen koobka aduunka 2010-kii lagu qabtay dalka South Africa.

Andres Iniesta ayaa lagu xasuustaa inuu ka dhaliyay goolkii guusha ay xulka Holand kaga guuleysteen koobka aduunka kadib 116-aad ee waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray ciyaarta.

Casillas ayaa kusoo qoray Twitter-kiisa: “Wuxuu ku farxay inuu ku riyaaqo kubada cagta uu kusoo bandhigay Spain iyo inuu qeyb noqdo qolka labiska xulka qaranka Spain”.

“Waxaan rajeynayaa inuu ku guuleysan doono Iniesta talaabada soo socota ee xirfaddiisa kubada cagta ah, islamarkaana uu ku guuleysto wax walba uu doonayo, sababtoo ah loolanka inoo dhexeeyay wuxuu ahaa mid xushmadi ku dheehan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close