Arsenal oo waynaysa 6-laacib oo muhiim ah kulanka barri ee Manchester United

(Manchester) 28 Abriil 2018 Kooxda Arsenal ayaa waynaysa ciyaartoy badan oo muhiim ah kulanka barri ay u martin doonto kooxda Manchester United.

Tababare Arsene Wenger ayaa London uga soo tagay ciyaartoyda kala ah Lacazette, Mustafi, Koscielny, Ramsey, Wilshere iyo Ozil sida ay baahisay Express.

Wenger ayaa ugu talo galay ciyaartoydaas inay nastaan si ay taam ugu noqdaan kulanka lugta labaad ee kooxdiisu ay u safrayso Atletico Madrid.

Arsenal muhiim uma ahan kulanka barri maqribkii ay la ciyaarayso kooxda Manchester United maadaama dhibcaha kulankaas aysan wax u soo kordhinayn.

Kooxda ayaa xooga saaraysa kulanka khamiista ee Semi Final-ka Europa League si ay u gaarto Final-ka koobka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close