Andres Iniesta oo xiddig muhiim u ah Real Madrid ku qalqaalinaya inuu u raaco horyaalka Shiinaha

(Barcelona) 28 Abriil 2018 Kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa dhabar jab la damacsan kooxda uu xafiiltanka kala dhexeeyo ee Real Madrid.

Laacibka ayaa ku dhawaaqay jimcihii inuu ka tagayo kooxdiisa Barcelona dhamaadka xiliciyaareed kaan, wuxuuna ku sii jeedaa horyaalka Shiinaha.

Shabakada Don Balon ee dalka Spain ayaa daaha ka qaaday in Andres Iniesta uu ku qalqaalinayo Sergio Ramos inuu u raaco horyaalka Shiinaha.

Arinkaan ma ahan mid ka yimid maanka Andres Iniesta, balse wararka ayaa sheegaya in qaar kamid ah kooxaha horyaalka shiinaha ay ka codsadeen in Ramos uu isna ku qanciyo inuu ka tago Real Madrid dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Andres Iniesta ayaa doonaya inuu qurxiyo horyaalka uu u socdo, wuxuuna ku dadaalayaa inuu halkaas geeyo ciyaartoy badan si horyaalku uu u noqdo mid shidan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close