Agaasimaha Ciyaaraha Kooxda AS Roma Monchi Oo Ku Dooday In Ay Ka Adkaan Karaan Liverpool

(Roma) 28 Abriil 2018 Agaasimaha ciyaaraha kooxda AS Roma Monchi ayaa sheegay in kooxdiisa ay awood u leedahay inay ka adkaato Liverpool, isla markaana ay sameyn karaan taariikh cusub oo ay ugu gudbi karaan finalka Champions League.

Liverpool ayaa guul 5-2 ku soo gaartay garoonkeeda Anfield kulankii lugta hore wareega afar dhamaadka ee tartanka Champions League, waxayna rajo xoogan ka muujinayaan in kulanka lugta labaad ee Stadio Olimpico ay kaga gudbi doonaan finalka ka dhici doono magaalada Kyiv ee dalka Ukraine.

Laakiin agaasimaha ciyaaraha kooxda AS Roma Monchi ayaa sheegay saxaaafada: “Ma sahlana inaad soo gaarto wareega afar dhamaadka Champions League, way adag tahay in la lafaguro natiijada lugta hore, laakiin waan ognahay waxa aan sameyn karno”

“10-kii daqiiqo ee ugu danbeysay ee lugtii hore waxaan xaqiijinay awoodeena aan u leenahay inaan dhibaateyno Liverpool, hadii ciyaarta ku dhammaan lahayd (5-0) waxan dhihi lahaa waan dhimanay waana nala aasay, lakiin haatan waxaa wali jirta nolol”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close